Askar Kenyaan Ah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gaarisa.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Soomaalidu leedahay ee ay Kenya gumeysiga ku heysato ee Gaarisa ayaa sheegay in askarta Xarakada Al-Shabaab ay weerar khasaare dhaliyay ku qaadeen kolonyo ciidamo Kenyaati ah.

Kolonyadan oo lagu helay inta u dhaxaysa Haluuqa iyo Ijaara oo kawada tirsan Gaarisa ayaa waxaa la xaqiijiyay in sadax askari laga dilay, sidoo kalana uu jiro khasaare hantiyeed.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyadoo dhankeeda xaqiijisay dhimashada sadaxda askari, waxaana ay sheegtay in ay ciidamadan kasoo bexeen Jubada hoose kuna sii jeedeen gudaha Kenya.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli ay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Kenya joogaan dhulka uu weerarka ka dhacay halkaasoo ay ku qabanayaan shirar ammaanka looga hadlayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.