Askari Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Yaaqshiid.

Askari ka tirsan ciidamda dowladda federalka ah ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Askarigan oo ka hawl galayay isgoyska Fagax ayaa la sheegay in rag hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen, sidaana uu ku geeriyooday.

Raggii weerarka geystay ayaa si nabad galyo ah uga dhaqaaqay, waxaana muddo kadib dhacdada meesha soo gaaray ciidamo gurmad ah oo careysan kuwaasoo meydkiisa qaaday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah weerarada ka dhanka ah dowladda federalka iyo ciidamada shisheeye, tanina waxay ka marqaati kacaysaa in uu fashilmay ballan qaadkii madaxda dowladda ee ahaa iney xasilinayaan ammaanka caasimadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.