Ciidamada Itoobiya oo Gaari Looga Gubay Gobolka Bay.

Gaari noociisu yahay Cabdi-bile ayaa ciidamada Itoobiya looga gubay weerar lagula beegsaday degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Wararka aynu ka heleyno Bardaale ayaa ku waramaya in qarax culus lala beegsaday Xabashida oo kolonyo ah islamarkaana socdaal ku jira, waxaana laga gubay hal gaari oo Cabdi-bile ah iyo ciidamadii saarnaa.

Gaarigan ayaa la xaqiijiyay inuu aad u burburay oo aanu lahayn caaqibo dambe, waxaana dhacdadan ay qeyb ka tahay dhacdooyinka maalinlaha ah ee ay Soomaaliya kala kulmayaan ciidamada shisheeye ee soo duulay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.