Ciidamada Kenya oo weerar kula kulmay dulleedka Hosingow.

Qarax xooggan ayaa lala eegtay kolonyo Kenyaati ah oo marayay inta udhaxaysa Magaalada Dhoobley iyo Hosingow oo kawada tirsan gobalka jubada hoose.

Ciidanka ayaa ka baxay Magaalada Dhoobley iyagoo kusii socday deegaanka Hosingow oo saldhig ciidan ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Ciidamada ka baxay Dhoobley ayaa sahay waday, waxaana haleelay qarax xooggan.

idaacadda Alfurqaan wali ma aysan helin faafaahin ku aadan khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamada Kenya.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dagaal adag kula jirta dowlado afrikaan ah oo kusoo duulay wadanka Soomaaliya, kuwaasi oo sanadihii danbe la kulmay khasaaro xooggan oo ku kalifay dib ugurasho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.