Dagaal ka dhacay Qoryooley iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Wanlaweyn oo La dilay.

Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in xalay dagaal culus lagu qaaday difaacyada Ciidamada shisheeye Amisom ku leeyihiin magaalada Qoryooley oo katirsan shabeelaha Hoose.

dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka xalay uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka culus iyo kuwa fudud.

Lama helin faafaahin ku aadan khasaaraha uu dhaliyay dagaalka.

Ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ee gudaha ugalay Qoryooley ayaa dib kaga gurtay magaaladaasi iyagoo ku laabtay halkii ay kasoo duulaan tageen.

Marar badan ayay Ciidamada Alshabaab waxay weerareen magaalada Qoryooley oo ah magaalo istaraatiiji ah oo udhaxaysa Baydhabo iyo Muqdisho,

Dhanka kale dagaalyahano katirsan Mujaahidiinta Alshabaab ayaa xalay dilay guddoomiyihii Maxkamadda maamulka Wanlaweyn ee shabeelaha Hoose.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Jacfar Owqaali.

Shabeelaha Hoose oo ah gobal istaraatiiji ah  ayaa waxaa ku xooggan ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin oo go’doon galiyay kuwa Amisom.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa gobalka ka dhacay weeraro toos ah iyo qaraxyo gawaari looga gubay ciidamada Amisom.

dagaalka xalay ayaa kusoo aadaya xili Amisom ay quus ka muujisay in sahayda ay umarto dhulka magaalooyinka ay ka joogto shabeelaha hoose oo ay gooyeen ciidamada xarakada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.