Dayuurad Mareykanku Leeyahay oo Kusoo Dhacday J/hoose.
Dayuurad nooca wax basaasa oo Drone ah ayaa kusoo dhacday degaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Beerxaani.
Wararka halkaas ka imanaya ayaa sheegaya in dayuuradan oo saacado badan dul heehaabeysay magaalada ay soo dhacday waxaana gacanta ku dhigay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Arrintan ayaa kusoo hagaagtay xilli maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Mareykanka dhaqdhaqaaqyo ka wadeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kuwaasoo isku day ay ku qalqal galin rabeen magaalada Jamaame ku fashilmay, kadib markii dagaal aaney filan lagala hor tagay.
Usbuuc ka hor ayay ahayd markii dayuurad noocan oo kale ah ay kusoo dhacday isla degaanka Beerxaani. Dayuuradahan ayaa waxaa adeegsada ciidamo Mareykan ah oo saldhig ku leh garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.