Degdeg: Dagaal Culus oo Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Hiiraan iyo 5 Askari oo DF Uga Dimatay Mahadaay.

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee Badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Itoobiya ku dagaalameen degaan 20 km qiyaastii u jira magaalada Beledweyne oo lagu magacaabo Ceel-muslim.

Degaankan oo markii hore la oran jiray Ceel-gaal ayaa waxa uu dagaalku ka bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan milatariga Al-Shabaab ay weerareen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa aad u qalabeysnaa sida ay inoo sheegeen dadka degaanka waxaana ay taasi keentay in ciidamada Itoobiya uu khasaare kasoo gaaro dagaalka iyadoo wararka horudhaca ah ay sheegayaan in askarta Itoobiya gaadiid laga gubay.

Sidoo kale waxaa degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ka dhacay dagaal kulul oo dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa DF waxaana dagaalkaasi ku dhintay 5 ka tirsan ciidamadii dowladda. Laman oga illaa iyo hadda sababta dagaalka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.