Degdeg: Dagaal Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

Dagaal ayaa galabta casar liiqii ka dhacay gobolka Shabeelaha dhexe kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federalka ah.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen koontarool ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degaanka Ceel-geelow oo u dhow degmada Balcad.

IWararka horu dhaca ah ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ciidamada dowladda soo gaaray iyadoo sidoo kale hub laga qaatay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.