Dhageyso:Shacabka Soomaaliyeed oo ka falceliyay in la isku Daro Wasiirada Itoobiya iyo Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadku dhaqan Soomaaliya oo ay ka dhex muuqdeen indheer garad oo la hadlay idaacadda Alfurqaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay sidey u arkaan in la isku daro golaha wasiirada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soo jeedintaan oo katimid wasiirka arimaha dibada Itoobiya lagana saxiixday dhigiisa Soomaaliya ayaa ka dhigan in Itoobiya ay si buuxda umaamusho Soomaaliya meeshana laga saaro umadda iyo Dal Soomaaliyeed hadiiba ay Itoobiya usuurta gasho rabitaankeeda.

Dadka la hadlay idaacada  ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhaxayso cadowtooyo soo jireen ah islamarkaana aysan suurtagalayn in wax lagu darsado.

Waxay ku dhawaaqeen inaysan ogolaan doonin qorshaha itoobiya iyagoo dhanka kale sheegay inaysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo madax banana  kana hor imaan karta danaha Itoobiya.

Waxgaradka ayaa ku baaqay in umadda umidoobaan cadowgeeda kana hortagaan qorshaha Itoobiya oo ah mid soo jireen ah balse soo maray maraaxiil kala duwan haatan u aragtay inay fulin karto hadafkeeda.

Halkan ka dhageyso dareenka Shacabka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.