Farmaajo oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihiisii Banaadir Thaabit Kuna Bedelay Yariisow.

Maxamad Cabdullaagu Farmaajo oo ah madaxweynaha DF ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihiisii gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamad Isagoo ku bedelay wasiirkii warfaafinta C/raxmaan Yariisow.

Ujeedada xilka looga qaaday Thaabit ayaa ah mid ku saleysan khilaaf waayahanba ka dhex jira Farmaajo iyo Kheyrre oo isku dhan ah iyo gudoomiyii maanta shaqada laga eryay.

Odayaal iyo siyaasiyiin taageersan Thaabit ayaa haatan magaalada Muqdisho ka wada kulamo ay uga soo hor jeedaan tallaabada xil ka qaadista ah, halka odayaal taageersan Yariisow ay wadaan qabanqaabada kulamo ay kusoo dhaweynayaan, waxaana muuqanaya in uu Farmaajo qaatay qorshe ah inuu isku mashquuliyo siyaasiyiinta halkii isaga lagu mashquuli lahaa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.