Gaari Dagaal oo Bari Looga Gubay Maamulka Puntalnd.

Gaari dagaal ayaa ciidamada Puntaland looga gubay weerar maanta ka dhacay gobolka Bari, waxaana lasoo sheegayaa in dhammaan askartii saarnayd gaariga ay ku dhinteen.

Guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa gaarigan beegsatay xilli uu ku socdaalayay inta u dhaxaysa Galgala iyo Sugurre.

Qaraxyada lala beegsado gaadiidka dagaalka ee Puntland ayaa ku badan gobolka Bari, waxaana bilihii ugu dambeeyay laga gubay gaadiid badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.