Gudoomiyihii Ceelbuur oo Qarax Lagu Dilay Iyo Khasaaraha Dagaalkii Ceel-wareegow oo Kordhay.

Qarax culus oo maanta galinkii dambe ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay gudoomiyihii DF ugu magacawnaa degmada Ceelbuur oo la oran jiray Biyo Quute.

Biyo Quute ayaa waxaa lagu beegsaday degaanka KM13, isagoo saaran gaarigiisa sidoo kalana ay la socdeen ilaaladiisa, waxaana ay dad goobta ka ag dhawaa inoo xaqiijiyeen in gudoomiyihii Ceelbuur iyo askartiisiiba ay qaraxa ku dhinteen.

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo noociisu ahaa qooqan ayaa burburay kaasoo ay ciidamadii dowladda ee soo gurmaday la yaabeen. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

“Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa ku halaagsamay Murtadiin uu kamid ahaa guddoomiyihii degmada Ceelbuur ugu magacaawnaa Kooxda Ridada” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Sidoo kale waxaa sii kordhay khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Ceel-wareegow ee duleedka magaalada Marko, waxaana tirada gaadiidka ah ee laga gubay ciidamada Amsom gaarayaa afar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.