Laba Gaari oo Ciidamada Amisom Looga Gubay Sh/hoose.

Dagaal culus ayaa maanta ciidamada Amisom ku qabsaday duleedka magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose waxaana wararka horudhaca ah ay sheegayaan in in laba gaari laga gubay ciidamada Amisom iyadoo uu walina dagaalku socdo xilligan aan warka daabacayno.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay askarta Xarakada Al-Shabaab weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Amisoom xilli ay marayeen degaanka Ceel-wareegow.

Xogtu waxa ay intaasi ku dareysaa in sidoo kale ciidamada Amisom laga dilay tiro askar ah kuwa kalana laga dhaawacay. Ciidamada shisheeye ayaa ku dhib qaba isku socodka waxaana mar walba oo ay saad is gaarsiinayaan ay la kulmaan weeraro adag.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.