Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Hodan.
Qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday xubno ka tirsan DF.
Wararka hor-dhaca ah ayaa waxay sheegayaan qaraxan oo ka dhacay Tarabuunka lagu dilay sarkaal ka tirsan milatariga DF iyadoo saraakiil kalana ay ku dhaawacmeen.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo qaraxyada iyo weerarada kala duwan ay aad ugu badanayaan magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan duleedka caasimadda lagu dilay gudoomiyihii degmada Ceelbuur ku magacawnaa iyo ilaaladiisii.