Sarkaal Ka Tirsan Puntland oo La Dhaawacay Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo qaabilsanaa dhanka canshuuraha ayaa habeenkii xalay lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ninkan oo ahaan gaashaanle Sare laguna magacaabi jiray Jugeyste ayaa wararku sheegayaan in rag hubeysan ay ay ku dhufteen dhowr xabadood islamarkaana meyd ahaan ay uga tageen.

Magaalada Muqdishana waxaa habeenkii xalay ka dhacay weeraro qaraxyo ah kuwaasoo sadax kamid ah lagu weeraray ciidamada dowladda federalka ah waxaana ay ka kala dhexeen Kaaraan iyo Wardhiigley, halka qarax kale lagu weeraray gudoomiye ku xigeenka degmada Heliwaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.