Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay Mowduuc Muhim Ah. (Sawirro+Dhageysi)

Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo usbuuciiba maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan. Waxaa lagu falanqeeyaa mowduuc muhim ah oo waliba loo dooro xilli ku haboon.

Maanta waxaa barnaamijka lagu lafa guray weerarkii ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa DF ku qaadeen caruurtii wax ku baranaysay machadka degaanka Jameeco Jiliyaale ee beesha Gaal-jecel gaar ahaan Jufada “Barsane” halkaasoo ay ku dileen shan caruur ah iyo mucallimkoodii ayna kasoo qafaasheen tobannaan kale.

Barnaamijka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, salaadiin iyo culimo ayaa waxaa lagu lafa guray ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa in la beegsado machad ay caruur wax ku baranaysay islamarkaana lagu sheego in ah ahaayeen dad askarnimo loo tababarayay.

Diiradda Jimcaha waxaa lagu soo bandhigay oo sawir laga bixiyay xaqiiqada dhabta ah ee macaahidda sharciga ee qabaa’ilka iyo waxa caruurta la baro.

HALKAN KA DAAWO QAAR KAMID AH SAWIRADA ARDAYDA MACAAHIDDA QABAA’ILKA

Mareykanka ayaa mar walboo uu weerarayo wax barashada islaamiga ah ku andacooda in caruurta la barayay xag jirnimo iyo askarnimo, laakin waxaa macaahidda lagu bartaa culuumta sharciga ah oo kaliya, haddiise Mareykanka hadalkiisa la eego waxaa xaqiiqo ah in caruurtooda iyo guud ahaan kuwa aan islaamka ahayn lagu beero cadaawadda muslimiinta lana baro hubka.

Sawirada hoose waxaad ka arki kartaa caruur Yahuud ah iyo kuwa Hinduus ah oo la tababarayo islamarkaana la geeyay warshadaha hubka lagu sameeyo, waxaana qaarkood sida aad barnaamijka ku dhageysan kartaan ay leeyihiin “waxaan jeclahay inaan carabta laayo” kuwa kale oo Hinduus ah waxaa lagu guubaabinayaa oo lagu oranayaa sidan: “waad aragtaan Yahuuda oo dad yar ah sida ay u qabsadeen Falastiin adinkana sidaa oo kale ayaa la idinka doonayaa” waxaa lagu guubaabinayaa iney tirtiraan dadka muslimiinta ah. intaa waxa dheer in caruurta Mareykanka la baro shiishka.

Haddaba waxaa barnaamijka la isku weydiiyay su’aasha ah: Maxay tahay cadaaladda shisheeyaha u ogolaatay iney caruurtooda tababaraan, muslimiintana u diiday? waa haddii loo raaco mar-marsiyahooda ah, in caruurta ay gumaadeen la barayay waxa ay ugu yeereen “xag jirnimo”

HALKAN KA EEG CARUURTA AAN MUSLIMIINTU DHALIN OO LA TABABARAYO.

Caruurti uu Mareykanku qafaashay ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, qaarkood waxaa la geeyay xerada Xalane iyagoo liita oo ay kamid yihiin kuwa dhaawacyo qaba oo faleebooyin la suray xididadooda.

Halkan Ka Degso Barnaamijka oo TAYO SARE AH

Halkan Ka Degso Barnaamijka oo TAYO DHEXE AH

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.