Sheekh Cali Dheere oo Ka Hadlay Gumaadkii Ay Mareykanku U Geysteen Caruurtii Machadka Jiliyaale. (Dhageyso)
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa si kulul uga hadlay falkii gumaadka ahaa ee ay ciidamada Mareykanka iyo calooshood u shaqeystayaashu dhawaan u geysteen caruur yar-yar oo diinta islaamka ku baranaysay machad ku yaalla degaanka Jameeco Jiliyaale ee gobolka Sh/dhexe.
Sheekha ayaa sheegay in ujeedada caruurtan loo gumaaday ay tahay iyadoo loo diidan yahay iney bartaan diintooda si aaney mustaqbalka u noqon dad shisheeyaha u shaqeeya oo tabiciyo u ah.
Waxa uu ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya maanta mareyso in caruurta loo dilo barashada diintooda darteed iska daa in lagu dhaqmo oo wadanka lagu maamulo e’ wuxuuna ummada Soomaaliyeed kula taliyay in wax la iska dhoho shisheeyahan sida aadka u xad gudbay.
Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray beesha Gaaljecel gaar ahaan jufada Barsane oo machadka lahayd, jufadaas oo uu kasoo jeedo Sheekhii sida aadka ah ula soo halgamay gumeystaha ee Sh/Xassan Barsane Alle haw raxmado e’ wuxuuna si gaar ahaaneed ula dardaarmay iney u aar gudaan caruurtii shanta ahayd ee degaankooda lagu dilay, mucallimkoodii iyo iney soo furtaan caruurtii kale ee la qafaashay.
Laba habeen ka hor ayay ahayd markii ciidamo Mareykan ah iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal ah ay weerar cirka iyo dhulka ah ku qaadeen tuulada Jameeco Jiliyaale oo 50 KM galbeedka kaga beegan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe halkaasoo ay ku dileen shan caruur ah iyo mucallimkoodii kuwa kalana ku qafaasheen.
Dhacdadan ayaana waxaa u sabab ahaa hey’adda HRW ee sheegata iney u doodo xuquuqda aadanaha taasoo usbuucii lasoo dhaafay soo saartay warbixin ay ku dhiira galineysay beegsiga caruurta wax ka barata macaahida diiniga ah ee wilaayaadka islaamiga, iyadoo ka dhigeysay caruur la barayo cilmiga waxa ay ugu yeertay xag jirnimada oo ay ula jeedo “culuumta sharciga”
Maanta haddii la leyn lahaa caruur gaalo ah waxaa dhici lahayd in la wada qeyliyo oo afka la wada furto, xitaa waxaa hadli lahaa wadaado, laakin su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, miyaaney caruurtan muslimiinta ahi mudnayn in laga hadlo oo loo hiilliyo?