Suufiyada oo Gaari Shacab Ku Rasaaseeyay Galgaduud.
Malleyshiyo ka tirsan suufiyada ayaa waxay dhabbaha u galeen gaari rakaab ah oo kusii jeeday degmada Xeraale ee gobolka galgaduud habeenkii xalay waxaana uu weerarkaasi sababay khasaare dhimasho.
Gaariga oo markii la rasaaseynayay marayay tuulada lagu magacaabo Huurshe ayaa waxaa ku dhimatay gabar yar oo 11 sano jir ah sida ay inoo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah.
Suufyada ayaa dhacdada kadib ku marmarsiyooday iney gaarigan ka shakiyeen, dadkii uu dhibku soo gaarayna waxay aasteen meeydkooda iyagoo aan uga xun xanuunka soo gaaray.
Suufiyadan ku daaban Xabashida ayaa dhibaato adag ku haya shacabka ku dhaqan degaanada ay ka arimiyaan kuwaasoo ay kala dagaalamaan shacaa’irta islaamka. Tusaale ahaan dumarka waxay ka fiiqaan niqaabka sidoo kale ma ogola in dumarku qaataan xijaabada waaweyn oo korkooda u asturaya iyagoo sidoo kale la dagaalama ragga gararka deysta.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته dhmn walalaha ilahy ha idin xafido xaqiiqdii mushrikiintan ladagalmys Islamka ee ah in koonkan ilaahy kaligiisa llagu Caabuda kaligisa loo xukun tago waa in xabadaha lagu badiyaa mushrikinta la baxey أهل السنة والجماعة