Xarakada Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Weerartay Saldhigga Puntland Ee Galgala.

Wararka ka imanaya gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab weerareen saldhigga ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Galgala ee gobolkaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay iney maqlayeen hugunka madaafiicda ku hoobanayay saldhigga inkastoo aanan illaa iyo hadda la ogeyn kharaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab iyo maamulka Puntland oo ku aadan dhacdadan. Usbuucyadii lasoo dhaafay waxaa Puntland ku badnaa weerarada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.