Xog Laga Helayo Weerarkii Fashilmay Ee Duleedka Jamaame.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerarkii fashilmay ee ay xalay Mareykanka la maaganaayeen magaalada Jamaame ee wilaayada Jubooyinka.

Qaar kamid ah wariyaasha idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa tagay halkii uu dagaalka ku qabsaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa calooshood u shaqeystayaasha ah waxaana uu laba meel kusoo arkay dhiigooda.

Sidoo kale ciidamada Mareykanka ayaa ka cararay agab ay kamid tahay Jaranjar, taasoo ka marqaati kacaysa in ay la kulmeen dagaal adag islamarkaana ay dantu ku qasabtay iney lafahooda badbaadsanaan, kana cararaan qaar kamid ah agabyadoodii milatari.

Askar aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa ciidamadan kala hor tagay dagaal adag xilli ay kusoo dageen duleedka magaalada iyagoo u muuqday iney magaalada qalqal galiyaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.