Xukun Qisaas ah oo ka dhacay deegaanka Iidaale ee gobalka Bay.

Aadan Ibraahim Aadan oo 20 sanno jir ah horayna udilay haweenay  ayaa maanta lagu qisaay deegaanka iidaale ee dulleedka magaalada Baydhabo gobalka Bay.

Fagaare ku yaalla deegaanka ayaa waxaa isugu soo baxay dad aad ubadan oo daawanayay xukunka.

Gacan ku dhiiglaha la dilay ayaa isku dayay inuu kufsado haweenayda waxaana uu kala kulmay iska caabin isagoo kadib dhaawac daran ugaystay kaasi oo markii danbe ay udhimatay dhaawaca soo gaaray.

Mid kamid ah qudaada xarakada shabaabul mujaahidiin oo xukunka riday ayaa faafaahiyay xukunka iyo adilada loo cuksaday kadibna waxaa lagu dhaqaaqay fulinta xukunka.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa marar badan goobaha ay maamusho ka hirgalisay xukunno kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.