35 Sarkaal oo DF Looga Dilay Weeraradii Xalay Muqdisho Ka Dhacay.

Ugu yaraan 35 sarkaal ayaa DF looga dilay weeraradii cuslaa ee xalay fiidkii ka bilowday magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu bar tilmaameedsaday xarumaha ugu waaweyn ee dowladda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay sheegtay in ay Madaxtooyada iyo Nabab sugidda ku qaaday weeraro isgu jira naf hurnimo iyo xoog ku gal kuwaasoo ay ku dishay ugu yaraan 35 sarkaal oo dowladda ka tirsan.

“Ugu yaraan 35 kamid ah saraakiisha murtadiinta ayaa ku dhintay howlgalkii aadka u xooganaa ee xalay mujaahidiintu ka fuliyeen xarumaha Madaxtooyada iyo Nabad sugidda Kooxda Ridada”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab islamarkaana ay baahisay idaacadda Andalus.

Sidoo kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaar kamid ah raggii hawl galka fuliyay ay dib usoo laabteen iyadoo u goodisay dowladda federalka ah iyo ciidamada shisheeye.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.