Askari Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Fagaare Ku Yaalla Hiiraan.
Fagaare ku yaalla degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Federalka ah.
Xukunkan oo ahaa (Xadu-ridda) ayaa waxaa lagu fuliyay askari ka tirsan dowlada federalka oo lagu magacaabi jiray Sahal Axmed Rasle kaasoo ay tababareen saraakiisha Imaaraadka carabta.
Qaadiga ayaa goobta ka sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay askarigan gacanta ku dhigeen isagoo gaari shacab isku soo qariyay kana soo baxay magaalada Muqdisho xilli uu kusii jeeday dhanka degmada Cabudwaaq ee gobalka Galgaduud.