Askari Maraykan ah Oo lagu dilay gobolka Jubbada hoose.

War lagu kalsoonyahay oo aan heleyno ayaa xaqiijinaya in askari maraykan ah lagu dilay dagaal maalintii shalay ka dahcay duleedka deegaanka Buula-guduud ee gobolka Jubbada hoose.

waxaa weerarkaas soo qaaday ciidamo huwan ah oo ka koobnaa maraykan iyo malleeshiyaad soomaali ah, iyadoona ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ay u dhigeen weerar kamiin ah oo markii dambe isku bedeley dagaal toos ah.

khasaaraha horudhac ah ee laga halayo dagaalkaas dhacay shalay ayaa gaaraya illaa iyo 5 askari oo mid kamid ah uu yahay askari maraykan ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa sanadihii tagay waxay si toos ah uga qeyb qaadanayeen dagaallada tooska ah ee ka dhaca gobollada dalka, waxaana mar weliba oo ay dagaallo dhacaan sii kordhaya dhimashada ku gaareysa Maraykanka fagaarayaasha dagaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.