Degdeg: Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo Is Casilaad Ku Dhawaaqay.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay xilli uu kasoo muuqday Taleefashinka wadankaasi.

Wuxuu sheegay in uu istiqaaladiisa u dhiibay golaha isku tagga kacdoonka shacbiga Itoobiya maadaama uu wadanku faraha kasii baxay islamarkaana kacdoonadu sii xoogeysteen.

Desalegn ayaa sheegay in kacdoonada ka socda Itoobiya ay saameeyeen nolosha kumannaan qof, sidoo kalana ay la degeen dhaqaalihii wadanka.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in iscasilaadda Haillemariam ay imaanayso maalmo kadib markii uu sii daayay siyaasiyiin mucaarad ah oo lagu eedeeyay in ay hoggaaminayeen kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee wadanka ka socda.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.