Gaari Dagaal oo Kenya Looga Gubay Gedo.

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gaari dagaal ciidamada Kenya looga gubay inta u dhaxaysa Buusaar iyo degmada Ceelwaaq kadib markii weerar lagu qaaday iyagoo kolonyo ah.

Mid kamid ah kolonyada ayaa waxay ciidamada Xarakada Al-Shabaab la beegsadeen qarax aad u culus kaas oo sababay inuu burburo, sidoo kalana ay dhimasho iyo dhaawac noqdaan ciidamadii saarnaa.

Kolonyada ayaa muddo hakatay si ay dhaawacyada iyo meydadka u uruursato. Wadooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa caan ka noqday gaadiid badan oo ciidamada Kenya iyo Itoobiya laga gubay kuwaasoo cibar u noqday bulshada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.