Khasaare Ciidamada Kenya Ku Gaaray Dagaal Ka Dhacay Gedo.
Dagaal culus ayaa barqanimadii maanta ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Kenya ku dhex maray gobolka Gedo iyadoo lasoo warinayo khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray Kenyaatiga.
Dagaalka oo ahaa mid aad uculus ayaa bilaawday maanta barqadii kadib markii weerar dhabbagal ah loo dhigay kolonyo katirsan ciidamada Melleteriga Kenyan oo kasoo gudbay deegaanka Girileey kunasii jeeday tuulada Faxfaxdhuun oo qiyaastii 75 KM ujirta magaalada Baardheere.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa gaari gaashaaman ku gubay dagaalka halka ay gacanta ku dhigeen saanado melleteri sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Meydadka ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu arkay halka loo yaqaan Galgasha.