Nabadoon Axmad Diiriye oo Xalay Ku Geeriyooda Magaalada Muqdisho.

Axmad Diiriye Cali oo kamid ahaa nabadoonada taageera DF ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa muddo ku xanuunsanayay isbitalkan oo ay gacanta ku heysto dowladda Turkiga sida ay ku warameen dad eheladiisa ah.

wuxuu jiray 75 sano, waxaana lagu wadaa in meydkiisa loo qaado magaalada Cadaado si halkaasi loogu aaso. Qaar kamid ah saaxiibadiis ayaa ku taliyay in lagu aaso Muqdisho laakin waxay isku fahmi waayeen eheladiisa.

You might also like
2 Comments
  1. abufatia says

    Wax dhan buu durbaanada u tumay dirir qabiileede
    Wax dhan buu gumaysiga dafiray daanaduu dhigaye
    Wax dhan buu wadadaad diinti gadan duugay dhagar tiise
    Wax dhan buu islaam daahiriyo duray ikhyaartiiye
    Dulaysane Ilaah naga difaac dacar wuxuu gaystay

  2. Abdiaziz adan says

    Allaha unaxariissto oklaiya ban leenahay waayo wa qof dhintay wxu shaqeystay ilahay bu lahortagayaa

Leave A Reply

Your email address will not be published.