Wasiir Ka Tirsan Puntland oo Boosaaso Lagu Dhaawacay.

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in habeenkii xalay la dhaawacay mid kamid ah wasiirada maamulka Puntland xilli uu ku socdaalayay mid kamid ah wadooyinka magaalada Boosaaso.

Rag hubeysay ayaa rasaas ooda uga qaaday wasiiru dowlaha wasaaradda dekdekada Axmed Saciid Cabdi, taasoo sababta inuu dhaawac culus soo gaaro sida ay goob joogayaal ku warameen, waxaana la dhigay isbitalka weyn ee magaalada.

Weerarada ka dhanka ah mas’uuliyiinta, saraakiisha iyo ciidamada Puntland ayaa usbuucyadii lasoo dhaafay joogto ka ahaa gobolka Bari iyo kan Mudug.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.