Yurub oo ku baaqeysa in la dhiso ciidamo mideysan oo buuxiya booska Maraykanka.

Shirka looga hadlayo arimaha amaanka ee ka socoda magaalada miyoonikh ee dalka jarmalka ayaa madaxda ka qeybgaleysa waxay intooda badan soo jeediyeen in la dhiso ciidamo mideysan oo yeelato qaaradda Yurub.

Madaxa kulankan shir gudoominayay ayaa ugu baaqay dowladaha yurub iney sii ballaariyaan miizaankooda milleteriga, iskuna diyaariyaan iney buuxiyaan booska ay baneyn doonto dhawaan dowladda maraykanka oo horey lagu tirinayay awoodaha caalamiga kuwa ugu weyn, balse hadda aan sidaas ahayn.

Dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa kamid ah kuwa horboodaya mashruucan, waxaana wasaaradaha dagaalka ee labadaas dowladood ay durba billaabeen iskaashi dhanka milliteriga oo aad u ballaaran.

Halista ugu badan dowladahan waxay ka dareemayaan dhanka kuuriyada wuqooyi oo sameysaty hubka nuclearka, waxna aysan ka bedelin siyaasadaha go’doominta ee ay kusoo rogeen inta badan dowladaha caalamka.

Dowladaha Yurub ayaa u arka madaxweynaha cusub ee maraykanka Donald Trump inuu yahay qof doonaya inuu jeexdo masaar iyo wado u gaar ah, waxaana baaqyadan cabsida ay ku dheehantahay imaanayaan iyadoo khilaafaad xoogan uu soo kala dhexgalay dowladaha Ruushka iyo Maraykanka.

You might also like
2 Comments
  1. Said says

    A s c ikhwa jasakalahul khar wararka wanagsan oo aad noso gudbisen

  2. Said says

    A s c ikhwa jasakalahul khar wararka wanagsan oo aad noso gudbisen

Leave A Reply

Your email address will not be published.