Askar Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Weerar lagu qaaday Xarunta maamulka degmada Yaaqshiid.

Rag hubeysan ayaa habeenimadii xalay waxay banbaanooyin ku weeraraeen xarunta maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Bambaanooyinka oo gudaha u galay xarunta ayaa sababay kahsaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamo goobta ilaala ka hayay oo katirsan dowladda federaalka.

Markii qaraxyadu ay dheceen kadib waxay ciidamada goobta joogay fureen rasaas, taas oo laga maqlayay xaafadaha degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Towfiiq.

Askari ayaa lasoo warinayaa inuu dhintay, iyadoona tiro intaas kabadan ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidamada Jabhadda Wilaayada islaamiga ee Banaadir ayaa mararka qaar waxay qaadaan weeraro toos ah oo ka dhan ah ciidamada dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.