Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baardheere oo la kulmay weerar culus.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid culus, laguna kediyay ciidamada Itoobiyaanka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, oo laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee Baardheere.

Waxaa la rumeysanyahay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay ciidamada Itoobiyaanka, balse maynaan helin faafaahin dhameystiran oo arinkaas la xiriira.

Dhowr jeer oo hore ayay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weeraro toos ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee xabashida ah ee duulaanka ku jooga Baardheere.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.