DEG-DEG: Dagaal culus oo ka socoda Inta u dhexeysa Ceel-waaq iyo Buusaar.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kamiin culus u dhigay ciidamo kenyaati ah oo ku safrayay inta u dhexeysa magaalooyinka Buusaar iyo Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Ciidamada kamiinka ku dhacay ayaa la sheegay iney kala qaadanayaan sahay ciidan, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka ka ag dhow deegaannada baadiyaha ah ee uu dagaalku ka socodo ayaa sheegaya iney maqlayaan daryanka hubka culus ee Mujaahidiinta iyo Kenyaatiga ay is dhaafsanayaan.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.