wararka

Dilal Caawa ka dhacay Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa caawa waxay dilal ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala eegtay xubno katirsan dowladda federaalka.

Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada loogu magacdaray Xasilinta.

Rag hubeysan ayaa dilka geystay, waxaana markii ay askariga dileen kadib ay ka qaateen qoriga uu ku hubeysnaa.

Dhanka kale degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay xubin katirsan maamulka degmadaas ee dowladda federaalka.

Rag hubeysan ayaa ninkan dilay, waxaana ay ka qaateen qori uu watay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*