Inkabadan KUN Ruux oo Filastiiniyiin ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Banaan baxyo ka dhacay dalkaas.
Ciidamada maamulka Yahuuda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin ayaa maalintii shalay waxay geysteen gumaad foolxumo badan oo ay kula kaceen muslimiinta Filastiin kuwaas oo dhigayay banaanbaxyo ay ku muujinayaan iney iyagu leeyihiin dhulka Filastiin, Yahuuduna ay gumeysi ku heystaan.
Kumanaan ruux oo isugu jira noocyda kala duwan ee shacabka muslimka ah ee Filastiin ayaa teendhooyin kumeel gaar ah waxay ka dhisteen meel 700 oo meter u jirta xuduud beenaatka Qazza iyo dhulka ay Yahuudu xooga ku heystaan, waxaana dadkaas rasaas ku furay ciidamada Yahuuda ee xuduud beenaatka joogay.
Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijinayaa iney shahiideen, iyadoona 1416 ruux ay soo gaareen dhawacyo kala duwan, qaar kamid ah dhaawacyada waa halis, waxaana lagu dabiibayaa isbitaallada ku yaala Jiidda Qazza.
Jiidda Qazza oo keliya ma ahan halka ay banaanbaxyadu ka dheceen, dadka muslimiinta ah ee degan Daanta galbeed ayaa iyaguna dhigay banaanbaxyo waaweyn, waxaana jiray iska hor imaadyo dhexmaray dadka shacabka ah iyo ciidamada Yahuudda.

Jamciyaad soo qaban qaabiyay banaanbaxyada ayaa sheegaya iney sii socon doonaan bananabaxyada illaa iyo 6 isbuuc, shacabka Filastiinna aanu marnaba ka tanaazuli doonin xaqqa uu u leeyahay dhulkiisa.
Dhanka kale waxa loogu yeero golaha Amaanka ayaa kulan uu yeeshey wuxuu ku guul dareystay in xitaa uu cambaareeyo tallaabadan wuxuushnimada ah ee ciidamada Yahuudu ku laayeen dadka shacabka ah, waxaana la sheegayaa in dowladda Maraykanka ay is hortaagtay bayaan ay suuragal ahayd inuu soo saaro golaha Ammaanka.