Korneel katirsan milliteriga Dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag bastoolado ku hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku toogteen sarkaal sare oo katirsan ciidamada milliteriga dowladda federaalka.
Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Jarane, wuxuuna ahaa korneel katirsan saraakiisha gaashandhiga dowladda federaalka, Askari ilaaladiisa ahaa oo la socoday ayaana lala dilay sarkaalka.
Dilka ayaa ka dhacay xarunta Warshadda Baastada ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilka kadib goobta isaga tagay ciidmadii ka tirsanaa Mujaahidiinta ee howlgalka fuliyay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuuliyadda dilka sarkaalkan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay kusii kordhayay magaalada Muqdisho weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay fulinayaan Mujaahidiinta.
Maalintii shalay ayay ahayd markii xubin katirsan howlwadeennada Baarlamaanka dowladda oo lagu magacaabo Cabdil Xafiid lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyey dilka Cabdil Xafiid oo xubin muhiim ah ka ahaa shaqaalaha Baarlamaanka.