Ku Dhawaad 30 Askari oo DF Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Beledweyne.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa dowladda Federalku ku dagaalameen duleedka magaalada Baladweyne.
Dagaalka oo ahaa mid kulul ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Gal-Xamur oo 30 Kiilomitir u jira magaalada Baladweyne, waxaana uu ahaa weerar dhabba gal ah oo ay milatariga Al-Shabaab u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo dhaqdhaqaaqyo qalqal galin ku ah bulshada halkaasi ka waday.
Gaari Cabdi Bile ah oo ay ku rarnaayeen ciidamada dowladda ayaa qarax culus lala helay xilli uu doonayay inuu ka baxsado goobta sida aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoonyahay oo inoo sheegay in gabi ahaanba gaarigaasi oo burburay. iyadoo ciidamadii saarnaa ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
Khasaaraha waxa kale oo sii kordhiyay markii qarax kale lala beegsaday ciidamo cagahooda maalayay oo efentari ahaa, taasoo keentay in wixii soo haray ay baadi goob u galaan sidii ay ku baxsan lahaayeen.
Inta la hubo waxaa ciidanka dowladda dagaalkaasi iyo qaraxyada looga dilay 27 iyagoo sidoo kale ku waayay hal gaari oo noociisu ahaa Cabdi Bile kadib markii la qarxiyay isaga iyo wixii saarnaaba.