Madaxweynaha Dowladda Oo is hortaagay Kulan lagu waday iney yeeshaan Golaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Farmaajo ayaa is hortaag ku sameeyey kulan lagu waday saaka iney yeeshaan xubnaha golaha baarlamaanka ee dowladda.

Farmaajo ayaa amar ku siiyay taliyaasha ugu sarreeya ee ciidamada iney is hortaagaan iney kulan yeeshaan golaha Baarlamaanka, waxaana saaka ciidamadu ay xireen wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho.

Is hortaagan uu Farmaajo ku sameeyey kulanka Baarlamaanka ayaa imaanaya iyadoo khilaafaad xoogan uu u dhexeeyo madaxda ugu sarreysa ee dowladda sida Jawaari iyo Kheyre.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib amar ka yimid Farmaajo.

Xillibaan Mahad Salaad ayaa barta uu ku leeyahay Facebooka wuxuu ku weeraray Farmaajo, isagoona ku eedayay inuu doonayo in xoog iyo  Afgembi uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo.

Jawaari ayaa dhankiisa sheegay inuu ogolaaday amarka kasoo baxay Farmaajo, lana baajiyay kulanka ay isugu imaan lahaayeen xillibaanada Baarlamaanka oo la filayay inuu hareeyo buuq iyo dood aan lahayn hadaf.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.