wararka

Mareykanka Gubay Guryo Dadka Shacabku Leeyihiin oo Ku Yaalla Gamboole Ee Sh/Dhexe. (Dhageyso)

Muddo laga joogo laba maalmood, ciidamo Mareykan ah iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo kasoo baxay magaalada Jowhar ayaa ku duulay degaanka Gamboole, halkaasoo ay dhibaatooyin badan ka geysteen.

Degaankan oo dhaca galbeedka magaalada Jowhar ayaa markii ay tageen waxay ka waaween wax shacab ah kadib markii dad weynuhu ay saacado ka hor duullaanka sii faarujiyeen xaafadahooda.

Intaasi kadib waxay Mareykanku gubeen guryihii dadka shacabka iyadoo calooshood u shaqeystayaashii la socday ay bililiqeysteen xarumihii ganacsiga sida uu inoo sheegay Sheekh Gamboole oo ah nabadoonka degaanka.

Dad weynuhu waxay inoo sheegeen in sidoo kale uu Mareykanku gubay 160 kitaab oo Qur’aanka kariimka ah taasoo si aad ah looga carooday.

Inta la hubo guryaha sida rasmiga ah u bas beelay waa sadax waxaana la badbaadiyay guryo kale, kadib markii ay Mareykanka isaga bexeen degaanka oo ay wax yar joogeen.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoonka Degaanka

Halkan Ka Dhageyso Mid Kamid Ah Shacabkii Guryahooda La Gubay

Daahir Amiin Jeesow oo kasoo jeeda degaanka ama beesha gaal jecel ayaa lagu eedeeyay inuu kamid yahay dadka Mareykanka tooshka ugu ifinaya beeshan, waxaana taa ka marqaati ah inuu muddo dhowr bilood ka hor ku tilmaamay “Nabad diid” HALKAN KA DEGSO HADALKA DAAHIR AMIIN JEESOW

Mareykanka ayaa horey ugu duulay degaanka Jameeco Jiliyaale oo ay isla beeshu degto halkaasoo uu ku dilay shan caruur ah oo culuumta sharciga ah baranaysa isagoo qafaashay qaar kale oo kamid ah caruurta.

Xarakada Al-Shabaab ayaa usbuucii lasoo dhaafay nawaaxiga garoonka Balli-doogle ku dishay wasiiru dowlihii wasaaradda amniga ee K/galbeed iyo xildhibaan Caga-weyne oo ka tirsanaa Hir-shabelle kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen weerarkii uu Mareykanku ku qaaday degaanka Jameeco-jiliyaale.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*