Pentagonka Oo Beeniyay War kasoo baxay Madaxweyne Trump.
Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday isagoo khudbad ka hor jeedinaya boqollaal ruux in mar dhow ciidamadiisu kasoo bixi doonaan dalka Suuriya oo dhowr sano ay ku suganyihiin.
Trump ayaa sheegay in hadafka ciidankiisu halkaas u tageen ay soo hooyeen, markan wixii ka dambeeyana ay fursad siinayaan xoogaga kale ee jooga, oo u badan iney yihiin dowladaha Ruushka iyo Turkiga.
Markii uu warkan kasoo yeeray Trump waxaa durba ka jawaabay wasaaradaha Gaashandhiga iyo dibadda, kuwaas oo sheegay inaaney waxba ka jirin warkaas.
Afhayeenad u hadashey Pentagonka waxay sheegtay inaaney jirin qorshe ciidamada Maraykanka uga soo baxayaan dalka Suuriya, hadalkaas mid lamid ah waxaa jeediyay haweeney kale oo u hadashey wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka.
Tan iyo markii uu xilka madaxtinimada dalka Maraykanka la wareegay madaxweynaha dhimirka la’ ee Donald Trump waxaa soo badanayay hadalada kala duwan ee is khilaafaya oo ay jeedinayaan madaxda dowladda Maraykanka, waana mid kamid ah calaamadaha muujinaya waalida Trump.