Qarax Culus oo Khasaare badan dhaliyay Oo ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama.
Goordhow waxaa qarax jugtiisa si aad ah looga maqley qeybo badan oo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu ka dhacay kasoo horjeedka hotel Wehliye oo ku yaala wadada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana si gaar ah qarax loogu bartilmaamsaday saraakiil katirsan dowladda federaalka ee Farmaajo uu hogaamiyo.
Saraakiil katirsan dowladda waxay qirteen in qaraxaas looga dilay 6 sarkaal oo muhiim ah, balse waxay ilo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in khasaaraha uu intaas ka badanyahay.
Warbahinta qaar ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in 14 ruux ay ku dhinteen qaraxaas xooganaa, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo la geeyey isbitaallada dowladda ee ku yaala caasimadda.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay sheegtay iney kudishey saraakiil muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka.