Trump: Sucuudigu waa dal hodan ah, Hantidoodana waxbay naga siin doonaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhaxalsugaha Aala-Sucuud Muxamed bin Salmaan ayaa ku kulmey aqalka looga taliyo wadankaas ee ku yaala magaalada Washington.
Kulanka oo ay goob joog ahaayeen madax sar sare oo katirsan labada dal ayaa lagu falanqeeyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladda Maraykanka iyo maamulka Aala-Sucuud.
Trump ayaa isagoo aad u faanaya wuxuu soo bandhigay boor ay ku qoranyihiin heshiisyo badan oo dhexmaray isaga iyo Aala-Sucuud, kaas oo ku kacay aduun lacageed oo gaaraya balaayin dollar.
Trump wuxuu sheegay in Aala-Sucuud ay yihiin maamul hanti badan gacanta ku haya, ayna rajeynayaan in qeyb badan oo kamid ah hantidaas kusoo wareegto dowladda Maraykanka.
Muxamed bin Salmaan oo intii kulanku socoday aad u dhoolacadeynayay ayaa sheegay in balaayiin dollar oo hor leh ay siin doonaan dowladda Maraykanka, islamarkaana maamulkiisa uu yahay bah wadaaga ugu waqtiga dheer ee Maraykanku ku leeyihiin waxa loogu yeero mandiqadda bariga dhexe.
Muxamed bin Salmaan oo maalmahan sii joogi doona Maraykanka ayaa la filayaa inuu kulamo ballaaran la yeesho qeybo kala duwan oo katirsan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda Maraykanka, wuxuuna dadka uu la kulmayo ku jira madaxda shirkado ganacsi oo dhaqaale dari baahsan ay heyso.