Walaal Ka Qeyb Qaado Dhameystirka Dhismaha Masjid Faaruuq Ee Shabeelaha Hoose. (Sawirro)

Sawirrada aad hoos ka daawan doontaan waa masjidka Faaruuq oo heer gabagaba ah maraya. Waxaa intan soo gaarsiiyay gudi iskood isku xil qaamay oo culimo iyo odayaal kamid yihiin.

Haddaba waxaa halkan ku go’ay kharashkii tabarucaada ahaa ee masaajidda qaar looga uruuriyay, waxaana gudigu ay dadka muslimiinta ah ku war galinayaan iney ka qeyb qaataan dhameystirka gurigan Allaah subxaanahu watacaalaa.

Masjidku wuxuu u baahan yahay in loo sameeyo deyrkii ama darbigii lagu wareejinayay. Wuxuu u baahan yahay meeshii weysada iyo musqulihii. Waxa kaloo uu u baahan yahay qalabkii aadaanka iyo rooggii, waxaana ay gudigi sheegeen in kharashka intaa ku baxaya ay ku qiimeeyeen 7000 Dolar (todobo kun oo dolar)

Sida uu nabigeena inoo sheegay, qofkii dhisa masjid wuxuu Allaah guri uga dhisaa jannada dhexdeeda. Sidoo kale masjidka oo aad wax ku darsato waxay kuu noqoneysaa sadaqo aan go’ayn oo abidkaa kuu socota.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Accoun-ka gudiga iyo Telefoon nambarkooda si aad tabarucaadiina ugu dirtaa. ACCOUN-KU waa sidan:- 31243780 ama telefoon 00252617900787.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.