Wasiirkii Amniga iyo Taliyihii Booliiska Uganda oo Shaqada laga Eryay.

Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha keligii taliska ah ee dalka Uganda baadariga lagu magacaabo Yuweri Museveni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu xilalka ay hayeen kaga qaaday wasiirka amniga ee dowladiisa iyo taliyihii guud ee ciidamada Booliiska wadankaas.

Wareegtada kasoo baxday Museveni waxaa lagu sheegay in Henry Tumukunde oo ahaa wasiirkii amniga laga qaaday jagada, laguna bedelay nin lagu magacaabo Elly Tumwine, halka taliyihii booliiska Kale Kayihura laga eryay shaqadiisa, waxaana bedelkiisa xilkaas uu Museveni u dhiibay nin lagu magacaabo Okoth Ochola.

Waa wasiirkii hore ee amniga iyo talihii booliiska ee xilalkooda waayay.

” Anigoo isticmaalaya awoodda uu i siiyay dastuurka, ayaan  Elly Tumwine u magacaabay wasiirka amniga, waxaan sidoo kale Mr Okoth Ochola u magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Booliiska” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday Yuweri Museveni, madaxweynaha dalka Uganda oo talada dalkaas gacanta ku haya tan iyo sanadkii 1986-dii.

Sababaha xilka looga qaaday labadan mas’uul ee katirsan dowladda Yugaandha ayaa lagu sheegay khilaafaad iyo isfahan dari soo kala dhexgashey iyaga iyo madaxweynaha wadankaas, waxaana dhanka kale jira tallaabooyin amni darro ah oo isugu jira dilal qorsheysan iyo afduubyo sanadihii ugu dambeeyey ka dhacayay dalkaas, gaar ahaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Kampla.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.