150 Ruux Oo ku dhintay Duqeymo ka dhacay magaalada Duuma ee Quudhada bari.

Sawirka magaalada Duuma oo burbursan.

Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad ayaa gumaad bahalnimo oo xanuun badan wuxuu ka geystay magaalada Duuma oo ah magaalada keliya ee Quudhada bari ay ka joogaan kooxaha kacdoon wadayaasha.

Duqeyntan oo Nidaamku u adeegsaday sunta kiimikada ee dadka gumaada ayaa sababtay istish-haadka 150 ruux oo isugu jira dumar, caruur iyo rag.

Saacadihii lasoo dhaafay waxay diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka ka geysteen magaalada Duuma inkabadan 250 duqeymo, waxaana ugu khasaara badnaa midan sunta kiimikada u adeegsadeen, maadaama inta badan dadka ay u dhinteen Neefsashada oo ku adkaatay.

Wadahadallo u dhexeeyey kooxaha kacdoon wadayaasha ee magaalada Duuma iyo dowladda Ruushka ayaa fashilmey, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono masiirka muslimiinta ku go’doonsan magaaladaas, kuwaas oo wajahaya duqeymo wuxuushnimo ah oo ay geysanayaan diyaaradaha Nidaama iyo kuwa Ruushka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.