Abuu Muscab: Way Sii Socon doonaan Qaraxyada Lagu Weerarayo Kontoroollada, Muslimiintana haka Fogaadeen Meelahaas.

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka howlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay weeraradii maalintii shalay oo jimca ahayd ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka wuxuu sheegay in qaraxyada ay ahaayeen illaa iyo labo qarax, oo lagu beegsaday Kontorool u dhow garoonka Aadan Cadde iyo mid kale oo ku yaala Seybiyaano, waxaana uu sheegay in labada weerarba lagu beegsanayay Ciidamada dowladda.

Abuu Muscab wuxuu intaa ku daray in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamadii joogay labada kontrool.

Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab wuxuu ku hanjabay iney sii socon doonaan weerarada iyo Qaraxyada lagu beegsanayo baraha kontorool ee ay ciidamada dowladda ka waardiyeeyaan xarumaha muhiimka ah ee Shisheeyaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed ee jooga Muqdisho ayuu Sheekhu ugu baaqay iney ka fogaadaan baraha kontoroollada, Mujaahidiintana si joogta ah u beegsan doonaan.

Askarta ciidamada dowladda ee Kontoroollada ilaaliya ayuu qudhooda farriin u jeediyay, wuxuuna kula taliyay iney isaga tagaan kontoroolladaas, kana dhexbaxaan Mujaahidiinta iyo Shisheeyaha is haya dhexdooda.

Halkan ka dhagayso Sheekh Abuu Muscab oo Faafaahiyay Qaraxyadii Jimcihii ka dhacay Muqdisho.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.