Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah Oo ka baxay Dhuusa-Mareeb.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in ciidamo badan oo katirsan kuwa Xabashida Itoobiya ay isaga baxeen magaalada Dhuusa-Mareeb oo ah magaala madaxda gobolka Galgaduud.

Ciidamada Itoobiya ayaa soo faarujiyay saldhigyo badan oo ay ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana iyagoo saaran gawaarida dagaalka ay afka saareen dhanka deegaannada Soomaali-galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida.

Saraakiil katirsan Suufida maamula magaalada Dhuusa-Mareeb oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay inaaney ka war heynin bixitaanka Itoobiya, ayna la yaabanyihiin ciidamada Itoobiyaanka ee baxay.

Lama oga waxa uu salka ku hayo bixitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Dhuusa-Mareeb, waxaana suuragal ah iney soo wajahday cabsi.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.