Ciidamo katirsan Dowladda Oo ku dagaallamaya Muqdisho.

Labo malleeshiyo oo hab qabiil u abaabulan oo katirsan dowladda federaalka ayaa ku dagaallamaya xaafad katirsan degmada Dharkenlay gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee dagaalkooda uu salka ku hayo ayaa ku dagaallamaya xaafadda Silig Ameerikaan oo ay deganyihiin dad u badan danyar.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayay isku adeegsanayaan ciidamada dagaallamaya, waxaana gebi ahaanba hakaday dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee xaafadda.

Marar badan ayuu soo laabtay dagaallada dhexmara ciidamada dowladda oo aan lahayn caqiido dagaal, una abaabulan hab beeleed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.