Daadad Ku dhuftay Baladweyne, iyo Kumanaan Ruux oo Guryahooda ka barakacay.

Magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay daadad ballaaran, kadib markii uu fatahay webiga Shabeelle oo mara qeyba kamid ah  gobolkaas.

Inta badan Xaafadaha waxaa harqiyay biyaha, waxayna isku bedeleen goobo waro biyood la moodo, iyadoona taasi ay saameyn ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo guud ahaan Nolosha dadka degan magaalada Baladweyne.

Inkabadan kun Ruux ayaa ka barakacay magaalada, kuwaas oo gaaray daafaha magaalada Baladweyne, halkaas oo aanu saameyn fatahaadda wuu sameeyey webiga.

Maamulka Hirshabeelle oo ka arrimiya magaalada ayaana jirin tallaabo muuqata oo uu qaaday, oo loogu gurmayo dadka shacabka ah ee dhibaateysan.

Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa waxay aad ugu mashquulsanyihiin daawashada iyo buun buuninta caruur Soomaali ah oo ka qeybgalaya ciyaar ka dhacday dalka Tanzania, waxaana la yaab leh sida aysan muhiimad gaar ah u siinin dhibaatada jirta oo lagu tilmaami karo “Musiibo qaran” marka lagu cabiro halbeega dowladda federaalka.

Sawirro laga soo qaaday magaalada Baladweyne waxay muujineyaan dad waayeello ah oo biyaha ku dhex socoda, islamarkaana gacmaha laga hayo

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.