Dab ka kacay Dekadda magaalada Al-Xudeyda ee Yaman.

Kooxaha Dab damiska oo isku dayaya iney damiyaan Dabka.

Dekadda caalamiga ah ee magaalda Al-Xudeyda ee dalka Yaman ayaa lagu soo waramayaa inuu ka kacay dab xoogan oo bas beeliyay qeybo muhiim ah oo katirsna dekadda.

Dekadan oo ay gacanta ku hayaan malleeshiyaadka shiicada ee Xuuthiyiinta ayaa dabka ka kacay wuxuu ahaa mid xoogan, islamarkaana cagta mariyay keydadka cuntada iyo shidaalka ee dekadda.

Goob joogayaal la hadlay wakaaladaha caalamiga ah waxay sheegeen iney arkayeen holac iyo qiiq cirka isku shareeray, islamarkaana aysan jirin cid damineysa dabka.

Kooxda musuq maasuqa iyo isdaba marinta badan ee Xuuthiyiinta oo magaalada iyo dekadaba gacanta ku heysa ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan waxa dhaliyay dabka.

Raashiinka bas beelay waxaa la sheegayaa in loogu talagalay dadka reer Yaman ee ay macluusha iyo dhibaatada halakeysay, waxaana jira shaki weyn oo ah in si ula kac ah loo gubay waxa yaalay dekadda Al-Xudeyda ee dalka Yaman.

Al-Xudeyda waa magaala istiraatiiji ah oo janbiga ku heysa badda cas, waxaana inta badan kusoo xirta maraakiib iyo doonyo sida cunto iyo noocyada kala duwan ee waxyaabaha ay u baahanyihiin dadka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.